Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Yuusuf Daba Geed ’’Madaxweeynaha Ayaa Igu Yiri Weli Gudoomiyaha Shariciga Ayaad Tahay’’
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:50
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:88
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:261
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:398
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:141
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 20 2008
Yuusuf Daba Geed ’’Madaxweeynaha Ayaa Igu Yiri Weli Gudoomiyaha Shariciga Ayaad Tahay’’
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 20 May 2008

Beledweyne, (insidesomalia.org)- Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa ku tilmaamay Maamulka Cusub ee dhawan ay Dowladda Soomaaliya u magacaawday Gobolkasi in ay ka mid yihiin Kooxaha Dowladda ka soo hor jeeda, waxaana uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha uu ku war galiyay in uu isagu yahay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed oo sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyn ayaa sheegay in xubnaha cusub ee loo soo magacaabay Maamulka Gobolka aneey aheeyn kuwo wax kala socda xaalada uu Gobolka ku sugan yahay iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya oo dhan, isla markaana aysan astaahilin in lagu aamino Gobolka Hiiraan masuuliyadiisa waa sida uu hadlka u dhigeye.

Waxaa uu ku eedeeyay dabageed Xubanahani cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Hiiraan in ay yihiin kuwa hoos taga Kooxaha Dowladda kahorjeeda, isla markaan xiriir la leh Ururka Al shabaab ayuu hadalkiisa siiraaciyey.

“Dadkaan Xisbigii naga soo hor jeeday ayeey ka mid yihiin anagaana cadeeyn u heeyno hadii wax la inaga weeydiiyo waayo shalay ayeey afkooda ka cadeeyeen in ay xiriir la leeyihiin Al shabaab oo ay la heeshiinayaan” ayuu Yiri Dabageed.

Mar sidoo kale wax laga weeydiiyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed waxa uu uga qeeyb gali waayay Xafladii xil wareejinta ee ka dhacday Magaalada Beledweeyn ayaa waxaa uu sheegay in aan isaga lagu casuumin, isla markaan ay halkasi isugu yimaadeen sida uu sheegay 3 nin oo Dalka dibadiisa laga keenay iyo Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana uu meesha ka saaray in halkasi ay ka soo qeeyb galeen qeeybaha kala duwan ee Bulshada kunool MagaaladaA Baladweeyne.

Mar wax laga weeydiyay Sababta uu weli ugu madax adeegaayo in uu weli yahay Gudiimiyaha Gobolka Hiiraan oo uu xilka la wareejin layahay ayaa waxaa uu sheegay In uu madax weeynaha Somalia Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ku war galiyay in weli isaga uu yahay Gudoomiyaha Sharciga ee gobolka Isla markaana aan la soo magacaabi doonin gudoomiye kale tan iyo inta ay dalka ka dhacayaan dooroshooyin xor ah sida u hadalka u dhigay Yuusuf Dabageed.

Qilaafka ka taagan Gbolka Hiiraan ee u dhexeeya Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya aa u muuqda mid sii wiiqaya awooda aan sidaa u sii buurneeyn ee ay Dowladda ku leheeyd Gobolka Hiiraan xili dhinaca kale ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi Xoogaga ka soo hor jeeda Dowladda iyo Ciidamada Itoobiya, taasi oo dadka ku nool Gobolkasi dhakafaar ku riday, iyagoo kala garan la’a halka ay xaalada u socoto.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >